Al Shabab oo xilka ka qaaday Sheekh Maxamed Abu Cabdalla

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Al Shabab ay xilkii ka qaaden gudoomiyaha Al Shabab ee gobolka Shabeelada Hoose Sheekh Maxamed Abu Cabdalla.

VOA ayaa sheegeysa in xil ka qaadista lala xiriiriyay muran ka dhashay heshiis dhawaan gobolkasi ay ku gaaren laba beelod oo dagaalamay.

Mid kamid ah beelahasi ayaa muran weyn ka keentay heshiis uu ka warqabay Sheekh Maxamed Abu Cabdalla,taas ayaana keentay in xilka laga qaado sida aan ka soo xiganay VOA.

Abu Caballa ayaa muddo xilkan haayay waxaana xalay soo baxay warkan sheegaya in xilkii laga qaaday,Al Shabab weli ma xaqiijin.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor