Al Shabab oo weli gacanta ku heysa degmada Ruunirogood

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelada Dhexe ayaa sheegaya in xaalada ay saakay degan tahay degmada Ruunirogood oo ay Shalay dagaal ku qabsaden Al Shabab.

Al Shabab ayaa howlgalo balaaran ka sameysay xaafadaha degmada,iyaga oo xir xiray dad badan oo ay ka shakiyen sida wararka qaar ay sheegayan.

Warbaahinta Al Shabab ayaa sheegeysa in dagaalkii shalay ay ku dilen Kornel Saneey Cabdulle iyo ku dhawaad 30 askari.

Kornel Saney isaga naftiisa ayaa ka warbixiyay khasaaraha dagaalka,waxa uuna ku sheegay iney arken 8 dhimasho ah.

Dadka deegaanka waxa ay sheegen in Ciidanka dowlada uu jab xoogan ka soo gaaray dagaalka,kadib markii AMISOM ay dib ula guratay gawaarida dagaalka,iyaga oo ka cabsaday iney Al Shabab qabsadan.

Saraakiisha Dowlada ayaa AMISOM ku eedeyay iney balantii uga baxen kadib markii ay gurmad ka waayen ciidankii dagaalka la galay Al Shabab.

Ugu yaraan 30 askari ayay wararka sheegayan in ciidamada dowlada looga dilay dagaalkii Shalay oo ahaa mid xoogan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor