Wararka aan ka heleyno Magaalada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaas habeenkii xalay aheyd uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Kenya iyo Al-shabaab.
Dagaalkan ayaa bilowday, kadib markii dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka Kenya ku leeyihiin Ceel-waaq, waxaana halkaas ka dhacay dagaal muddo kooban socday.
Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidanka, intaas kadibna ay maqlayeen rasaas dhow daqiiqo socotay oo labada dhinac ay isdhaafsanayeen labada dhinac, wallow markii dambe istaagtay.
Wararka ayaa intaas kusii jira in uusan jirin wax khasaaro ah oo ka dhashay dagaalkii dhacay, waxaana xaaladda Magaalada Ceel-waaq saakay ay tahay mid degan, sida uu sheegay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka.
Al-shabaab ayaa dhowr jeer weeraro kala duwan oo geystay khasaaro ku qaaday Saldhig ay leeyihiin Ciidanka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Afrika ee AMISOM, waxaana sidoo kalena xusid mudan in dagaalo ay dhexmareen labada dhinac.