Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ka hadlay Guddiga Doorashooyinka 2020/2021 oo ay soo magacaabeen dowlad Goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug.
Qoraal uu soo saaray C/raxmaan C/Shakuur ayuu ku sheegay in inta badan labada Guddi ee Doorashada ee Hirshabeelle iyo Galmudug ay yihiin xubno ka tirsan Hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA.
Siyaasiga ayaa Qoraalkiisa ku sheegay in xubnaha Guddigyadaas laga soo magacaabay Xafiiska Taliyaha NISA, wuxuuna tilmaamay in xubnaha Guddiga Doorashada heer Federaal yihiin intooda badan taageerayaasha baraha Buulshada ee M/weyne Farmaajo.
“Inta badan xubnaha labada guddi doorasho ee laga soo magacaabay Hirshabele iyo Galmudug waa xubno ka tirsan hay’adda Nabadsugidda Qaranka, waxaana badankood laga soo magacaabay xafiiska taliyaha nabadsugidda†ayuu yiri CC Shakuur.
Sidoo kale waxaa uu intaas sii raacsiiyay Siyaasiga “Guddiga heer Federaal uu badankiisa yahay taageerayaashii baraha bulshada ee Madaxweyne Farmaajo, waxaana soo xulay agaasime ku xigeenka Xafiiska madaxweynaha. Suuragal maaha in masiirka Dalka iyo doorashada deegaanka aan dadkiisa metelno ay ka arrimiyaan labo wiil oo ilma adeero ahâ€.