Dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo Al-shabaab ayaa xalay ka dhacday Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo, kaasi oo ka dambeeyay, kadib markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen halkaas.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in inta uu socday dagaalka ay maqlayeen dhawaqa rasaas ay isdhaafsanayeen Ciidanka dowladda iyo Al-shabaab oo weerar ku qaaday Saldhiga Ciidanka ay ku leeyihiin Baardheere.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhanka Shabaab, isla markaana uu dhacay dagaal muddo kooban socday.
Lama oga Khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo, waxaana Ciidamada ay sameeyeen howlgalo kala duwan oo lagu xaqiijinayo amniga Magaaladaas.
Al-shabaab ayaa dhowr jeer weeraro kala duwan ku qaaday Saldhigyo Ciidanka dowladda Federaalka ku leeyihiin deegaano ka tirsan Gobolada dalka, waxaana weerarad qaarkood ka dhashay Khasaaro kala duwan.