Weerar loo adeegsaday madaafiic xoogan ayaa lagu qaaday Saldhig Ciidanka Itoobiya ay ku leeyihiin degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana laga helayaa faah faahino dheeraad ah.
Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in Al-shabaab ay weerarkaa madaafiicda ahaa ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin gudaha degmada Xudur, isla markaana dadka deegaanka ay maqlayeen jugta tirro hoobiyeyaal ah.
Ciidanka Itoobiya ee qeyta ka ah howlgalka AMISOM ayaa dhankooda la sheegay inay tureen tiro madaafiic ah oo Jawaab u ah kuwii Al-shabaab ay ku weerareen, kuwaasi oo qaarkood ku dhacay dhul-howd ah.
Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in dagaal kooban oo u dhexeeyay Al-shabaab iyo Ciidanka Itoobiya uu ka dhacay duleedka degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, welina si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka iyo weerarka.
Si kastaba Al-shabaab ayaa marar badan oo horey sidaan oo kale weeraro khasaaro dhaliyey ugu qaaday Saldhigyo ay deegaano ka tirsan Gobolada dalka ku leeyihiin Ciidanka Itoobiya, waxaana dhinacyada dhexmaray dagaalo culus.