Qaraxyo khasaaro geystay oo lala eegtay Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qaraxyo xoogan oo barqanimadii Maanta deegaan ka tirsan Gobolka Bari lagula eegtay kolonyo ay la socdeen Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka Puntland.

Qaraxyada oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lala eegtay gaadiid ay saarnaayeen wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka amniga Puntland, kuwaasi oo ka ambabaxay degmada isku-shuban, kuna sii jeeday degaanka Balli-dhadin.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxyada oo laba ahaa, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday Hal Askari oo ka tirsan Ciidankii saarnaa gaari ay miino qabsatay, halka saddex kalena ay dhaawacmeen.

Dhaawacyada Askarta ayaa waxaa durbo la geeyay Isbitaalka weyn ee Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, iyadoona wafdiga uu hoggaaminayay Wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ay horey u sii wateen socdaalkooda.

Wafdiga Wasiir Cabdisamad Gallan ayaa waxaa kamid ahaa Taliyaha Ciidamada difaaca Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere iyo Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, kuwaasi oo dhammaantood ka badbaaday qaraxa.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada maamulka Puntland oo ay uga hadlayaan qaraxyada khasaaraha geystay ee Maanta dhacay, waxaana inta badan qaraxyada halkaas ka dhaca Mas’uuliyadooda sheegta Al-shabaab iyo Daacish.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor