Al-shabaab oo weerar ku qaaday Saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamo

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka Itoobiya ee qeybta ka howlgal Ciidanka AMISOM iyo Al-shabaab ayaa waxaa uu xalay ka dhacay degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Dagaalkaan ayaa waxaa ka yimid, ka gadaal markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka Itoobiyaanka ay ku leeyihiin Garoonka diyaaradaha Xudur, waxaana halkaas ka dhacay dagaal muddo kooban socday.

Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka iyo dagaalkii dhacay, waxaana dadka deegaanka degmada ay sheegeen inay saqdii dhexe ee xalay maqlayeen dhawaqa rasaas xoogan oo la is-dhaafsanayay.

Ciidamo ka tirsan maamulka degmada Xudur Bakool iyo kuwa Itoobiya ayaa Maanta xaafaddo ka tirsan degmadaas ka sameeyay howlgal lagu xaqiijinayay amniga Magaalada, kadib weerarkii dhacay.

Si kastaba Al-shabaab ayaa dhowr jeer weeraro kala duwan oo isugu jiray qaraxyo iyo mid toos ah ku qaaday Saldhigyo Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan Maamulkaas, waxaana weerarada qaarkood ka dhashay khasaaro.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor