Masar iyo Turkiga oo Maanta u furmaya wada-hadal turxaan bixin ah

Dowladaha Masar iyo Turkiga oo ku kala didsanaa Arrimaha Siyaasadda ayaa la filayaa inuu maanta oo Arbaco ah u bilowday Wada-xaajod Siyasadeed oo socon doona muddo 2 maalmood.

Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Turkiga, Sedat Önal iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan Caasimadda dalka Masar ee Qaahira, isagoo Kulan la yeelan doona dhigiisa dalkaasi, Hamdi Loza.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Masaarida waxay shalay oo Talaado ahayd sheegtay in Kulamada Wada-xaajoodyada sahminta ee labada dal diirada lagu saari doono Tallaabooyinka muhiimka ah ee horseedi kara caadiyeynta Xiriiradda Labada Waddan (That may lead to the normalization of relations between the two countries).

Bilowgii bishii March, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Masar, Samiix Shukri waxa uu xqiijiyey inay Dowladiisa ka go’an tahay sidii ay xiriir dhow u yeelan lahaayeen Shacabka Masar iyo kuwa Turkishka.

W/Q: Ustaad Nuradin 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor