Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa si kulul u Cambaareeyay weerarkii qaraxa ku bilowday ee shalay lagu qaaday Hotelka Elite ee Magaalada Muqdisho.
Qoraal kasoo baxay xafiiska Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa tacsi loogu diray eheladii iyo qaraabadii ay ka bexeen dadkii ku geeriyooday mashaqada ka dhacday Hotelka Elite.
Waxaa uu Madaxweynaha Jubbaland Alle uga baryay in janadiisa ka waraabiyo dadkii dhacabka iyo Mas’uuliyiinta ahaa eek u geeriyooday weerarka hotelka, isagoo kuwa ku dhaawacmay Caafimaad taam ah u rajeeyay.
Al-shabaab ayaa warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarkii lagu qaaday Hotelka Elite ee xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho, waxaana halkaas ku geeriyooday 16 qof, halka 13 kalena ay ku dhaawacmeen.
Dadka ku dhintay weerarka ayaa waxaa kamid ah Agaasimihii xiriirka Gobolada ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdirisaaq Cabdi iyo dad kale oo u badnaa shacab, isla markaana ku damaashadayay Hotelka Elite.