Al-shabaab oo War kasoo saartay dilka Guddoomiyihii Degmada Awdheegle

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa inta u dhexeeysa deegaanka sabiib iyo degmada Awdheegle ee Gobolka Shaebeellaha Hoose waxaa ka dhacay qarax sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka la geliyo ah ayaa waxaa lala eegtay gaari uu la socday Guddoomiyihii Degmada Awdheegle Maxamed Aweys Abuukar oo loo yaqaanay Maxamed Yarow, kaasi oo uu ku geeriyooday qaraxaas.

Sidoo kale qaraxa ayaa waxaa dhaawac uu kasoo gaaray Saddex Askari oo ilaalo u ahaa Guddoomiyaha, kuwaasi oo saarnaa gaariga.

War qoraal ah oo lagu daabacay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxii lagu dilay Guddoomiyihii Degmada Awdheegle Maxamed Yarow.

Al-shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in Guddoomiye Maxamed Yarow xiliga la qarxinayay uu saarnaa gaari nooca xamuulka qaado ah, waa sida hadalka loo dhigay

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa dhowr jeer qaraxyo kala duwan oo ka dhacay lagu dilay Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolkaas iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media