Al-shabaab oo saaka Weerar culus ku qaaday Saldhig ay leeyihiin Ciidamada Puntland

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa arroornimadii hore ee saakay weerar xoogan ku qaaday Saldhig Ciidamada Puntland ay ku leeyihiin deegaanka Af-urur ee Gobolka Bari ee Puntland, waxaana halkaas ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka culus.

Al-shabaab ayaa weerarka u adeegsaday madaafiic oo qaarkood la sheegay inay ku dhaceen agagaarka Saldhiga, isla markaana dagaal uu dhexmaray ragga Al-shabaab ah ee weerarka soo qaaday Ciidamada daraawiishta Puntland ee ku sugnaa Saldhiga.

Qof goobjooge oo la hadlay VOA-da aya u sheegay in dagaalka u dhexeeya labada dhinac uu weli ka socdo deegaanka Af-urur ee Gobolka Bari, uuna jiro khasaaro ka dhashay, in kastoo aan si dhab ah loo ogeynin inta uu la egyahay khasaaraha jira.

Saraakiisha Ciidamada daraawiishta Puntland ayaan weli wax faah faahin ka bixin dagaalka iyo weerarka Al-shabaab ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Puntland ay ku leeyihiin deegaanka Af-urur ee Gobolka Bari, gaar ahaan dhanka buuraleyda ah.

Ma aha markii ugu horreeyay ee dagaalamayaasha Al-shabaab ay weeraraan deegaankaasi, iyadoo dhowr sano kahor weerar kan oo kale ah oo ay ku qaadeen ay ku dileen askar badan, isla markaana ay muddo kooban kula wreegeen deegaanka, wallow markii dambe laga saaray…

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor