Maxaa looga hadlay kulan Qoorqoor la yeeshay Xildhibaanada BFS ee lagu doortay Galmudug?

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada Magaalada Dhuusamareeb kulan wadatashi ah kula qaatay Xildhibaannada iyo Senatarada Baarlamaanka 11-aad ee laga soo doortay Galmudug.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay inta uu socday xaaladda guud ee dalka gaar ahaan doorashooyinka socda, waxaana kulankaas ka qeyb galay dhammaan Xildhibaanada labada Aqal Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee lagu doortay Galmudug.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in xubnaha fadhiyay kulanka ee labada Aqal ka koobnaa ay ku kala aragti duwanaadeen marka la soo hadal qaaday xaalada dalka, gaar ahaan arrinta Amniga markii laga hadlayay iyo sidii dalka looga saari lahaa xaalada kala guurka ah.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Xildhibaanada uu la kulmay kula dar-daarmay isku duubni, lagana gudbo kala tafaraaruqa si dalka doorasho degdeg u aado, isla markaana dalka hoggaan yeesho.

Madaxtooyada Galmudug ayaa sheegtay in kulankaan uu daba socday kulamo dhowr ah oo maalmihii u danbeeyay Madaxweynuha la yeeshay Xildhibaanada, waxaana kulanka diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor