Al-Shabaab oo laga qabsaday degaanno hor leh oo ka tirsan Gobolka Galgaduud

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay la wareegtay degaanno hor leh oo katirsan Gobolka Shabeellaha Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya, kuwaasi oo horay gacanta AL-Sahabab ugu jiray.

Saraakiisha hor kacaysa Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka sheegay inay si buuxda ula wareegay deegaanada kala ah Tix, Baraag Sheekh Caamir, Caliheele iyo Cali Axmed oo dhammaantood hoos taga degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

dagaalamayaasha Al-Shabaab oo markii hore ku sugnaa degaanadaasi ayay saraakiishu sheegeen in weeraro lagu qaaday saldhigyadoodii deeganadaas.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in AL-shabaab ay burburiyeen xarumahii isgaarsiinta degmada Galcad iyo degaanno kale oo ka tirsan Gobolkaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor