Al-Shabaab oo la wareegay Degmo ka tirsan Shabeellaha dhexe

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa lagu soo warramayaa in ay la wareegeen gacan ku haynta Degmada Mahaddaay ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Wararka aan ka helayno Degmadaasi ayaa sheegaya  in  dagaalamayaal aad u hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay dagaal culus kula wareegeen degmada Mahadaay, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Ciidanka Dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle.

Dagaalamayasha Al-shabaab oo war kasoo saaray dagaalka ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen degmada, waxaana warar lagu daabacay baraha Internet-ka ee AL-shabaab lagu sheegay in dhammaan xaafadaha Mahadaay ay ku sugan yihiin Shabaab, iyadoo Ciidanka Dowladda iyo kuwa Hir-Shabeelle ay aadeen dhanka saldhigga ciidamada AMISOM oo kuyaalla warshaddii hore ee hubka ee duleedka Mahadaay, waa sida ay hadalka u dhigeen Al-Shabaabe.

Degmada Mahaddaay oo qiyaastii 23Km u jirta magaalada Jowhar ayaa kamid aheyd deegaanada ay Ciidanka Dowladda iyo kuwa Hir-shabeelle gacanta ku ahyeen, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakisha Ciidanka Dowladda ee Gobolka Shabeellaha dhexe oo ay kaga hadlayaan dagaalka Al-shabaab ay kula wareegeen mahaddaay.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor