War-saxaafadeed ka soo baxay Xisbiga wadajir ee uu hogaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa waxaa looga hadlay xadgudubkii lagula kacay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo cunaqabataynta la saaray Maamulka Jubbaland.
Xisbiga Wadajir ayaa si xoogan u Cambaareeyay falkii xayiraada ahaa ee shalay dowladda Federaalka u geystay Sheekh Shariif iyo wafdi la socday uu kusii jeeday Magaalada Kismaayo,hayeeshee dowladda ay u diiday inuu u duulo halkaas.
Sidoo kale Xisbiga Wadajir ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay cuna-qabateysan dowladda Soomaaliya saartay Shacabka Jubbaland,taasi oo khilaafsan Dastuurka dalka,isla markaana ka hor imaaneysa shuruucda Caalamiga ah.
Warka ka soo baxay Xisbiga Wadajir ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay weerarkii shalay Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda ay ku lahaayeen deegaanka Ceel- Saliini,waxaana weerarkaas ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ugu dambeyntii Xisbiga C/raxmaan C/Shakuur ayaa tacsi u diray Ehelada ay ka baxeen Ciidankii shalay ku dhintay weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Ceel- Saliini ee duleedka Degmada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Hoos ka Akhriso Warka ka soo baxay Xisbiga Wadajir.