Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) ee uu hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa War-saxaafadeed ka soo saaray Khilaafka guud ee sii xoogeystay ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah Dowlad Goboleedyada dalka jira.
Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ayaa sheegay in uu si dhow ula socday xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Dowlad Goboleedka Galmudug iyo dooroshada Dowlad Goboleedka Jubaland,xiriirka iskaashiga iyo xoojinta nabadda ee dhawaan dhexmaray Puntland iyo Galmudug.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeed ka soo baxay Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD).