AKhriso:-Wasaaradaha Kaluumeysiga Dowlad Goboleedyada oo hakiyey Wadashaqeyntii W/Kaluumeysiga DFS

Ka dib kulan ay Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ay ku yeesheen Wasiirada Kalluumeysiga Dowlad Goboleedyada ayaa wax ay ka soo saareen Warmurtiyeed dhowr qodob ka kooban.

Warmurtiyeedka ayaa waxa ay ku sheegeen in ay hakiyeen Wadashaqeyntii ka dhaxeysay Wasaaradaha Kalluumeysiga Dowlad Goboleedyada iyo Wasaaradda Kaluumeysiga Xukuumadda Soomaaliya.

Waxa ay ku sheegeen in baahi loo qabo ilaalinta iyo ka faa’iideysiga Kheyraadka Badda Soomaaliya,iyo in la helo Siyaasad mideysan ee sahli karta in laga faa’iideysto Kheyraadka Badda.

Qodobada kale oo ay u cuskadeen hakintaas ayaa waxa ay ku sheegeen in uu jiro khilaaf joogto ah oo kala dhaxeeya Wasaaradda Kaluumeysiga Soomaaliya ka dib maqnaansho joogta ah,taas oo hoos u dhigtey wadashaqeyntii.

Hoos Ka Akhriso Warmurtiyeedka oo Saddex Bog ka kooban.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor