HomeWararDowladda Soomaaliya oo shaacisay xilliga la bilaabayo Kaararka Aqoonsiga+Sawirro

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay xilliga la bilaabayo Kaararka Aqoonsiga+Sawirro

Date:

Related stories

Dagaalka Romero: Real Madrid, Atletico iyo Man Utd oo isku eryanaya kabtanka Tottenham

Cristian Romero ayaa laga yaabaa inuu ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee Tottenham ka dib dhaawac jilibka ah iyo kooxda oo u laabanaysa Championship-ka.

Ruto Lands 8 Major Deals in Rome as Kenya, Italy Sign New Action Plan

President William Ruto's state visit to Italy has yielded eight new agreements, cementing a three-year action plan with Rome. The wide-ranging deal covers everything from military cooperation and AI to restoring the Cherangany Forest and upskilling Kenya's youth.

Nairobi: Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka UN-Habitat ee horumarinta magaalooyinka

Wafdiga Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowle Saciid Xayd ayaa Nairobi kaga qayb galay kalfadhiga UN-Habitat.

Soomaaliya iyo Isku-tashiga: Xarunta Tamarta iyo Biyaha oo loo dhisay qaab casri ah

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xarigga ka jaray xarun casri ah oo ay yeelanayso Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha.

Sidee Turkigu u Qodayaa Ceelka Curad-1 ee Badda Soomaaliya? Sirta Qalabka Waaweyn!

Mashruuca Curad-1 waa wejigii koowaad ee Soomaaliya ay ku noqonayso waddan shidaal soo saara.

Kulan ay isugu yimaadeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Madaxtooyada, Wasaaradaha dalka, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Bangiga Adduunka iyo saraakiil ka socda dalka Bakistan oo fulinaya hannaanka bixinta kaararka Aqoonsiga.

Ujeedka kulankan ayaa ahaa dardar-gelinta Aqoonsiga Qaran ee Soomaaliya (Somali National ID) iyo sidii loogu fududeeyn lahaa muwaadin kasta oo Soomaalyeed qaadashadiisa. Sidoo kale khubarada ayaa soo banhigay faa’iidooyinka uu u leeyahay doorashooyinka dalka, ammaanka iyo bini aadannimada.

Dhammaan dhinacyada kulanka isugu yimid ayaa isku raacay in ay muhiim tahay in si dhaqso ah loo guda galo fulinta howsha kaararka Aqoonsiga ee digital-ka ah inta aan la gaarin doorashooyinka 2020 dal ku uu gali doono.

Madaxa istaraatiijiyadda Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna u qeybsanaha Barnaamijka Kaarar Aqoonsiga ee digitaalka ah Mudane Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in bilowga sanadka 2019 la-qoorsheynayo daah furka diiwaangalinta muwaadiniinta qaadanaya Kaarka Aqoonsiga.

“Marka la gaaro bisha Janaayo 2019 waxaan bilaabi doonaa diiwaangalinta dadka, waxaan rajeyneynaa inta ka horreysa in aan dhammeystirno wax walba oo loo baahan yahay oo fududeynaya shaqadaan, innaga oo kaa shaneyna Bangiga aduunka iyo hey’adda ka socda dalka Bakistaan oo shaqadan nala qaban doonta” ayuu yiri Dr Nuur Fuursade.

Tobankii maalin ee ugu dambeysay waxaa dalka ku sugnaa wafdi qubaro ah oo ka socday Shirkadda NADRA oo ah waaxda dowladda Bakistaan u qaabilsan fulinta nidaamka Kaararka Aqoonsiga, kuwaas oo u joogay xog uruurin ku saabsan hirgalinta Barnaamijka Kaararka Aqoonsiga qaran ee dhawaan la bilaabo doono.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories