HomeWararDowladda Soomaaliya oo shaacisay xilliga la bilaabayo Kaararka Aqoonsiga+Sawirro

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay xilliga la bilaabayo Kaararka Aqoonsiga+Sawirro

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Kulan ay isugu yimaadeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Madaxtooyada, Wasaaradaha dalka, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Bangiga Adduunka iyo saraakiil ka socda dalka Bakistan oo fulinaya hannaanka bixinta kaararka Aqoonsiga. Ujeedka kulankan ayaa ahaa dardar-gelinta Aqoonsiga Qaran ee Soomaaliya (Somali National ID) iyo sidii loogu fududeeyn lahaa muwaadin kasta oo Soomaalyeed qaadashadiisa. […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Kulan ay isugu yimaadeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Madaxtooyada, Wasaaradaha dalka, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Bangiga Adduunka iyo saraakiil ka socda dalka Bakistan oo fulinaya hannaanka bixinta kaararka Aqoonsiga.

Ujeedka kulankan ayaa ahaa dardar-gelinta Aqoonsiga Qaran ee Soomaaliya (Somali National ID) iyo sidii loogu fududeeyn lahaa muwaadin kasta oo Soomaalyeed qaadashadiisa. Sidoo kale khubarada ayaa soo banhigay faa’iidooyinka uu u leeyahay doorashooyinka dalka, ammaanka iyo bini aadannimada.

- Advertisement -

Dhammaan dhinacyada kulanka isugu yimid ayaa isku raacay in ay muhiim tahay in si dhaqso ah loo guda galo fulinta howsha kaararka Aqoonsiga ee digital-ka ah inta aan la gaarin doorashooyinka 2020 dal ku uu gali doono.

Madaxa istaraatiijiyadda Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna u qeybsanaha Barnaamijka Kaarar Aqoonsiga ee digitaalka ah Mudane Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in bilowga sanadka 2019 la-qoorsheynayo daah furka diiwaangalinta muwaadiniinta qaadanaya Kaarka Aqoonsiga.

“Marka la gaaro bisha Janaayo 2019 waxaan bilaabi doonaa diiwaangalinta dadka, waxaan rajeyneynaa inta ka horreysa in aan dhammeystirno wax walba oo loo baahan yahay oo fududeynaya shaqadaan, innaga oo kaa shaneyna Bangiga aduunka iyo hey’adda ka socda dalka Bakistaan oo shaqadan nala qaban doonta” ayuu yiri Dr Nuur Fuursade.

- Advertisement -

Tobankii maalin ee ugu dambeysay waxaa dalka ku sugnaa wafdi qubaro ah oo ka socday Shirkadda NADRA oo ah waaxda dowladda Bakistaan u qaabilsan fulinta nidaamka Kaararka Aqoonsiga, kuwaas oo u joogay xog uruurin ku saabsan hirgalinta Barnaamijka Kaararka Aqoonsiga qaran ee dhawaan la bilaabo doono.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts