Akhriso:-Wararkii u dambeeyey ee Shirka Magalada Kismaayo

Weli waxaa Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ka socda Shirka Golaha Iskaashiga dowlad-goboleedyada dalka,isaga oo galay Maalintiisii Afaraad.

Madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada kala ah Puntland,Hirshabeelle,Koonfur-Galbeed iyo Jubbaland ayaa ku shiraya Guriga Nabadda ee magaalada Kismaayo,waxaana la filayaa in Maanta oo Jimce ah shirka la soo gaba gabeeyo.

Shirkii shalay ayaa qodobadii ay uga hadleen  waxaa ka mid ahaa Arrimo badan,sida Amniga guud ee dalka,Hannaanka qaybsiga Kheyraadka dalka iyo Iskaashiga guud ee dowlad-goboleedyada Xubinta ka ah dowladda  Soomaaliya.

Maanta ayaa la filayaa in shirkaas oo socday mudo Afar Maalin ah la soo gaba gabeeyo,isla markaana War-murtiyeed laga soo saaro kaas oo ku saabsan qodobadii ay ku heshiiyeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media