Musharax Madaxweyne oo Tooreey lagu dhaawacay

Musharaxa ugu cadcad doorashada madaxwaynanimada dalka Barazil, Jair Bolsonaro, ayaa mindi lala dhacay xilli uu ku jiray ololo doorasho.

Dhacdadan ayaa ka dhacday isu soo bax lagu qabtay Juiz de Fora, oo ka tirsan gobolka Minas Gerais.

Wiilka Mr Jair Bolsonaro ayaa sheegay in aabihii uu dhaawac ka soo gaaray qaybta hoose ee caloosha, balse uu wanaagsaan oo uu ka soo kabnayo.

Booliiska dalka Barazil ayaa waxay sheegeen in qof looga shakisan yahay weerarkaasi ay xireen

Sida ku cad ra’yi uruurin dhawaan la soo saaray hogaamiyahan midig fog Mr Bolsonaro ayaa helaya codadka ugu badan bisha October, waa haddii madaxwaynihii hore Lula da Silva uu ku guuldareysto laalida amarka ah in uusan doorashada u tartami Karin.

Lula da Silva ayaa imika ku jira xabsi ka dib markii lagu eedeeyay falal musuqmaasuq.

Maxkamada arrimaha doorashooyiinka ayaa maalmo ka hor soo saartay guddoon mr Lula looga horistaagayo in uu doorashada u tartamo

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media