Ugu yaraan 8 Askari ayaa lagu dilay qarax miino oo shalay lala beegsaday gaari ay la socdeen oo marayey Deegaanka Bojigaras oo ka tirsan Degmadda Wajeer ee W/bari ee dalkaasi.
Askarta la dilay ayaa kala ahaa 5 ka tirsan Maamulka Boliska iyo 3 ka tirsanaa Ciiddanka Kaydka ee Boliska dalkaasi.
Goobjoogayaal ayaa sheegay inay Askartaasi ku geeriyoodeen qarax xooggan oo jidka loogu aasay, iyadoo uu burbur xooggan soo gaaray gaarigii ay ku safrayeen.
Xiriiriyaha Gobalka W/bari Kenya, Maxamed Saalax ayaa sheegay inay baaritaano hordhac ah muujinayaan inayDagaalamyaal ka tirsan Xarakadda Alshabaab ka dambeeyeen qaraxaasi, isla markaana ay dib ugu laabteen Xuduudka Somalia, waa sida uu hadalka u dhigay.
Deegaanka uu weerarku ka dhacay ee Bojigaras waxay 150 Kiilomitir u jirlaa Degmadda Wajeer, halkaasi oo ay inta badan Alshabaab ka fuliyaan Hawlgalladooda.
Si kastaba ha ahaatee, Weerarkii shalay ka dhacay Deegaankaasi waa kii 2-aad oo ay Alshabaab bishan June ka geystaan gudaha Kenya, iyadoo 6 Askari oo Kenyan ah lagu dilay, 3 kalena lagu dhawaacay qarax miino oo bishan 6-fii ka dhacay Tuulladda Xaarxaar ee Deegaanka Libooya oo wax ka yar 2 Kiilomitir u jirta Xuduudka Somalia.