Ugu yaraan 23 qof ayaa ku dhimatay mid kamid ah xabsiyada ugu weyn dalka Colombia, kaddib markii ay dhacday wax ay mas’uuliyiinta ku tilmaameen isku day baxsasho oo ay sameeyeen qaar kamid ah maxaabiista, kuwaas oo ka cabsi qabay xanuuka corona.
Wasiirka cadaaladda ee dalka Colmbia, Margarita Cabello ayaa sheegtay in sidoo kale isku daygan ay ku dhaawacmeen 83 maxaabiis ah. Waxay intaa raacisay in ay ku guda jiraan baaritaan ku aadan arrintaas.
Mr Cabello ayaa sidoo kale sheegtay in 32 maxaabiis ah iyo 7 kamid ah ilaalada xabsiyada ay jiifaan isbitaal, halka laba kamid ah ilaalada maxaabiistana xaaladoodu ay aad u daran tahay.
Sida laga soo xigtay wasaaradda cadaaladda ee dalkaas, xabsiyada dalkaas oo gaaraya 132 ayaa waxaa loogu talaagalay maxaabiis dhan 81 kun, balse waxaa ku xiran 121 kun maxbuus, taas oo muujineysa in tiradii loogu talagalay ay aad uga badan tahay.
Guud ahaan dalka Colombia waxaa laga soo wariyay 231 kiis oo cudurka corona, halka laba qofna ay u dhinteen.