Guddi ay magacaabeen Guddoonka 2-da Aqal oo kulankii ugu horreeyay yeeshay

Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ayaa xalay waxaa kulanii ugu horeeyay  ku yeeshay Guddiga Diyaarinta Xeerarka Dhameystiraya Sharciga Dorashooyinka Qaranka oo ay kal hore magacaabeen Guddoomiyeyaasha labada Golle ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka Guddiga ay yeesheen ayaa waxaa si wadajir ah u guddoomiyay Guudoomiye ku-xigeenada Koowaad iyo Labaad ee Golaha Shacabka Baarlamanaka, waxaana kulanka uu ahaa mid is xog-wareysi ah.

Sidoo kale inta uu socday ayaa waxaa looga hadlay howlaha shaqo ee horyaalla Guddiga Diyaarinta Xeerarka Dhameystiraya Sharciga Dorashooyinka Qaranka oo ay kamid yihiin dhameystirka xeerarka lagama maarmaanka u ah Sharciga Doorashooyinka Qaranka.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Xaliimo Yarey oo shalay warbaahinta la hadashay ayaa soo dhaweysay Guddiga Diyaarinta Xeerarka Dhameystiraya Sharciga, kuwaasi oo ka kooban 17-xubnood.

Dhinaca kale Guddoomiye Xaliimo Yarey ayaa soo dhaweeysay ansixinta Sharciga Doorashooyinka oo kal horey ansixiyeen Xildhibaanada labada Golle ee Baarlamaanka, isla markaana uu saxiixay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media