Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa kulankii caadiga ahaa ku yeeshay Golaha Wasiirada dowlad Goboleedka Puntland,iyadoo kulanka looga hadlay arrimo kala duwan.
Shirka Golaha Wasiirada ayaa waxaa Shir Guddoomiyay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ahna ku-simaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash,isla markaana waxaa goobjoog ka ahaa inta badan xubnaha Golaha Wasiirada.
Inta uu socday Shirkaas ayaa waxaa looga hadlay arrimaha, Amniga,dhismaha Golaha deegaanka,Miinsaaniyada Puntland,Ansixinta siyaasada hantida Puntland iyo warbixino kale.
Hoos ka Akhriso Qodobadda Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo faahfaahsan.