Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbidhagax oo dhawr maalmood socdaal ku joogay magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay madaxda dowladda, baarlamaanka, guurtida, xisbiyada, iyo madaxdhaqameedka Somaliland.
Qalbi-Dhagax oo la hadlay Idaacadda BBC-da ayaa sheegay in uu booqn doono Magaalooyin ka mid ah dalka sida,Garoowe oo Puntland ah iyo Cadaado iyo Dhuusamareeb oo Galmudug.
Waxaa la weeydiiyey sababaha uu ku diiday inuu tago Magalada Muqdisho ayuu waxa uu ku jawaabay.
“Magalada Muqdisho waxaa jooga dadkeyga oo aad ii jecel balse waa halkii Itoobiya leyga dhiibay,balse inta kale sida xildhibaanada oo qadiyadeydii aad u difaacay xushmad baan u hayaa”
Dhinaca kale waxa uu been abuur ku tilmaamay war ka soo yeeray Odayaal ku nool Magalada Burco,kuwaas oo sheegay inuu horay u gubay Gawaari laga lahaa deegaanada Soomaaliland.