Rag eedeeyn u jeediyey Qalbi-Dhagax oo xabsiga la dhigay

Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer ayaa waxaa shalay gelinkii dambe xabsi ku yaalla lagu xiray labo nin oo burco caan ka ahaa,kuwaasi oo loo jeediyay eedeymo.

Labadan Nin oo lagu kala magacaabaa Faarax Xasan iyo Shaakir Deeq ayaa waxaa Xabsiga Burco dhigay Ciidamada amniga Magaalada,iyada oo lagu eedeeyay hadalo Gaf ah.

Waxaa lagu eedeeyay Faarax Xasan iyo Shaakir Deeq in warbaahinta ay ka sheegeen hadalo ku aadana in Sarkaalka ka tirsan Jabhada ONLF ee Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) uu gubay baabur,xiligii ay mamnuuca aheyd Jabhada Ururka ONLF,waxaana arrinta keentay in Xabsiga la dhigo.

Dad Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer ayaa sheegay in Faarax Xasan iyo Shaakir Deeq loo xiray hadalo ay ka sheegeen Sarkaalka ka tirsan Jabhada ONLF ee Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax),kaasi oo hadda ku sugan Magaalada Hargeysa ee caasimadda Soomaaliland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor