Akhriso:-Sababta loo xiray Wadooyinka Muqdisho

Waxaa saakay inta badan xiran Wadooyinka Waaweyn ee Magalada Muqdisho,waxana lasoo dhigay Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Wadooyinka Maanta xiran ayaa waxaa ka mid ah Tarbuunka, Ex Koontarool Afgooye,Jidka Sodonka, Wadada Jubbo iyo Banaadir,waxaana loo diidayaa inay isticmaalaan Gadiidka dadka Shacabka ah ay wataan.

Laamaha Amniga Soomaaliya weli wax faah faahin ah kama bixin sababaha lo xiray wadooyinka,hayeeshee waxaa Maanta la filayaa in uu dalka dib ugu soo laabto Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ku maqan dalka Qatar.

Xaalada Magalada Muqdisho ayaa maalmahaan ah mid degan marka laga reebo xaalada Siyaasadeed ee dalka oo ah mid kacsan tan iyo wixii ka dambeeyay markii Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay mooshin ka gudbiyeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor