Dhageyso:-Wasiirka Gaashaandhigga oo farriin u diray Madaxweyne Farmaajo

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhgga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed(Amar dambe) ayaa sheegay in looga baahan yahay Shacabka deegaanada Koonfur Galbeed inay is dejiyaan,isla markaana ka Shaqeeyaan nabadgelyada xilli rabshado ay ka dhaceen Magaalada Baydhabo.

Wasiirka ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay rabshadihii ka dhacay Magalada Baydhabo,waxaana Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre uu ka codsaday in gurmad Caafimaad loo fidiyo dadka ku waxyeeloobay rabshadihii ka dhacay Baydhabo.

Xasan Cali Maxamed(Amar dambe) Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ugu dambeyn ka dalbaday Shacabka Magalada Baydhabo iyo mas’uuliyiinta Magaladaas in amniga iyo wadashaqeynta ay ku wada dadaalaan.

Dhageyso Codka Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor