Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga waxaa kulan socday muddo 5-cisha ah ku yeeshay hogamiyaasha madasha xisbiyada qaran kaas oo loga hadlayay arrimaha Siyaasadda,amniga,dhaqaalaha iyo doorashoooyinka la filayo in ay dalka ka dhacaan 2020-2021.
War-murtiyeed kasoo baxay Shirkaas ayaa lagu sheegay in Madasha xisbiyada qaran ayaa looga hadlay arrimaha amniga iyo Siyaasadda gaar ahaana xaaladihi ugu dambeeyay waxaana ay ku baaqeen in xal deg deg ah loo helo caqabadaha dalka ka jira oo sababi kara in dowladnimadii muddada dheer lasoo dhisayaya ay wiiqanto.
Madasha xisbiyada qaran ayaa dalbaday in doorashada Somalia ee 2020/2021 ay ku dhacdo waqtigii loo qorsheeyay,waxaa kale oo ay wax laga xumaado ku tilmaameen in ciidamada qaranka loo adeegsado arrimo siyaasadeed.
Halkaan Ka Akhriso:-