Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliy ayaa Maanta waxa ay kulan ku yeelan doonaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Kulankan ayaa waxa uu yahay kulankii labaad ee Kal-fadhiga 5-aad,waxaana kooram u baaqday sabtidii lasoo dhaafay kulankii Koowaad ee fadhiga.
Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa si weyn uga horyimid Ajendaha kulankii baaqday ee ahaa in waxbixin laga dhageysto Guddig dib u eegista Dastuurka,iyagoo Mooshin ka dhan ah Ajendahaas u gudbiyay Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
Xalay ayaa waxaa Xildhibaanada Golaha shacabka Baarlamanka Soomaaliya lagu wargeliyay inuu jiro kulan Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 1-da bisha April ee 2019,isla markaana laga doonayo inay kasoo qeyb galaan kulankaas.
Ajendaha kulanka ayaa ah labo qodob oo kala ah.
1. Hadal jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
2. Warbixinta guddiga dib u eegista dastuurka.