Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 2-da Bisha November waxaa ay kulan ku yeelanayan Xaruntooda Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.
Xalay ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka waxaa loo diray fariimo ku aadan in Maanta uu jiro kulanka, isla markaana laga doonayo inay soo xaadiran si loo dardargeliyo howlaha horyaalla.
Ajendaha kulanka ayaa waxaa uu yahay afar qodobo oo kala ah.
1.Akhrinta 1aad H/Sharc Qareenada Soomaaliyeed
- Akhrinta 1aad H/Sharc Nootaayadda Dadweynaha
- U Codeynta Xisaab Xirka 2017
- Sii wadida ka doodista Maxdarka Xildhibaanada
Todobaadkii la soo dhaafay Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa meelmariyay Sharciga iibka Qaranka, waxaana ogolaatay 133 xildhibaan, labo Xildhibaan ayaa diiday halka Afar mudane ay ka aamuseen meel marinta sharcigan, waxaana sidoo kale mudanayaasha ayaa ansaxiyay sharciga Furdooyinka.