Madaxda Maamul goboleedyada eek u shirsanaa Magalada kismaayo ayaa Maanta soo geba gabeeyey shirkooda,iyaga oo soo saarey Warmurtiyeed ay uga hadleen tabashooyinka ay ka qabaan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Warmurtiyeedka oo ka kooban lix Bog ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Amniga,Siyaasada,Dhaqaalaha iyo qodobo kale,iyaga oo sidoo kale sheegay inay xiriirkii wadashaqeyneyd ay la lahaayeen dowladda Federaalka Soomaaliya hakiyeen.
Qodobada ay u cuskadeen hakinta wadashaqeynta ay la lahaayeen Dowladda Federaalka ayaa waxa ay ku sheegeen inay sabab u tahay faragelin ay ku heyso Maamul goboleedyada,sidoo kalena dowladda Dhaqaalihii amniga loogu talo galay ku bixisay burburinta dowlad Goboleedyada.
Hoos Ka Akhriso Nuxurka Warmurtiyeedka Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada.