Maanta waxaa Magaalada Muqdisho soo gaaray Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga dowladda Kenya Fred Matiang’i iyo wafdi uu hogaaminayo, waxaana Wasiirku uu ka hadlay Ujeedka Safarkiisa Muqdisho.
Wasiir Fred Matiangi oo Qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay in safarka uu ku yimid Magaalada Muqdisho uu kusoo amray Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, sidaasina Maanta uu kusoo gaaray Caasimadda Soomaaliya.
Sidoo kale Wasiirka ayaa Qoraalkiisa waxaa uu ku sheegay in safarkiisa ay ku wehlinayaan Saraakiil sar sare oo ka tirsan dowladda Kenya, isla markaana ay kulan la qaadan doonaan Madaxweynaha Maxamed Cabdulallaahi Farmaajo iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.
Wafdiga ka socda dowladda Kenya ayaa Madaxweyne Farmaajo waxaa la sheegay inay kala hadli doonaan Arrimo ku aadan sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha Xuduudaha iyo xiriirka labada dal oo muddooyinkii u dambeeyay sii xumaanayay.
Safarka Muqdisho uu ku yimid Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Kenya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo maalmo kahor uu kulan Khadka Telefoonka dhexmaray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta, iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo joojinta xiisadaha taagan.
Xiriirka u dhexeeysa dowladaha Soomaaliya iyo kenya ayaan wanaagsnayn, iyadoona ay xusid mudan tahay in dowlad walba ay tan kale ku eedeysay inay farogelin ku hayso Arrimaheeda gudaha.