Akhriso: Muhiimada Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee Saldhiga Bali-Doogle

Maanta ayaa la filayaa in Ra’iisul Wasaaraha Somaaliya Xasan Cali kheyre uu markii ugu horeysay Booqasho uu ku tago Saldhig Ciidamada dowladda Federaalka Somaaliya ay ku leeyihiin Gobolka Shabeellaha Hoose ee Garoonka Diyaaradaha Bali-Doogle.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta ku sugan yahay Saldhiga Bali-Doogle waxa uu la kulmi doonaa Saraakiisha ciidamada dowladda ee halkaasi ku sugan isagoo kala hadli doona dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo la qorsheynayo in ciidamadaad ay dhawan bilaabaan.

Amaanka Wadada xiriirisa Muqdsho ilaa Saldhiga Bali-Doogle ayaa aad loo adkeeyay,waxana xusid mudan in labadii Maalmood ee la soo dhaafay in qeybo kamid ah Gobolka Shabeellaha Hoose uu ka dhacayay dagaal u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo Ciidanka dowladda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media