Dhageyso:-“Ugaas Xasan’Guri la gubo uma joogsan doono la dagaalanka Al-Shabaab

Maamulka Koonfur Galbeed Somaaliya ayaa ka hadlay daagaladii Maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay tuulooyin hoostaga degmada lambar Kon ee Gobolka Shabeellaha Hoose dagaaladaas oo geestay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Wasiirka tababarada iyo dhaqancelinta Maleeshiyaadka Maamulka Koonfur Galbeed Somaaliya Xasan Cabdi Maxamed(Ugaas Xasan) oo Saxaafada kula hadlayay Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in Al-Shabaab ay yihiin cadaw kuna yihiin Shacabka ku nool Gobolka Shabeellaha hoose.

Waxa uu kula dardaarmay Shacabka ku nool Gobolka Shabeellaha Hoose in ay siiwadaan dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab,islamarkaana Maamulka Koonfur Galbeed Somaaliya uu caawin doono.

Ugu dambeen waxa uu sheegay in dagaalada lagula jiro Al-Shabaab in uusan u joogsan doonin Guro la gubo iyo Shacab la dhibaateeyo sida uu hadalka u dhigay.

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media