Maxkamadda Darajada Koowaad ee Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa amar ku bixisay in la soo qabto eedeeysane iyo gaari lagu tuhmaayo in Meydka Caasho Ilyaas Aadan lagu kor keenay Gurigooda,kadib markii la dilay.
Maxkamadda ayaa amartay in la soo qabto eedeysame Yaasir Aadan Cali iyo Gaari loo heysto in uu ahaa midkii lagu keenay Meydka Caasho Ilyaas Aadan.
Sidoo kale Maxkamadda ayaa Dhammaan laamaha amniga iyo Saldhiga Bartamaha dhexe ee Gaalkacyo wax ay Ogeysiisay in la soo qabto eedeysanaha iyo Gaaigaas.
Shalay ayaa waxaa Xaafad ka tirsan Gaalkacyo lagu arkay Meydka Caasho Ilyaas oo 13-sano jir aheyd,taasi oo si xun loo dilay,kadibna waxaana la sheegay in la dhigay Meydkeeda Gurigooda Hortiisa,isla markaana ay Reerkeeda ka maqneyd oo ay baadi goobayeen.
Hoos ka Akhriso Amarka ka soo baxay Maxkamadda Darajada Koowaad ee Magaalada Gaalkacyo.