Waxaa Maanta oo Axad lagu wadaa in Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland uu si rasmi ah uga furmo Shir wadatashi ah oo ay yeelanayan Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka ka jira.
Magaalada Garoowe ayaa waxaa ku sugan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo dhammaan Madaxda maamul Goboleedyada dalka oo siyaabo kala duwan u gaaray halkaasi.
Shirkan wadatashiga ah ee uu Madaxweynaha Puntland isugu yeeray Madaxda labada dhinac ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimo kala duwan,waxaana kamid ah Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga dalka.
Arrimaha sida gaarka ah shirkan looga hadlayo waxaa ka mid ah arrimaha Dastuurka, gaar ahaan qodobada u baahan xal siyaasadeed, wadashaqaynta dawladda federaalka iyo dawlad goboleedyada iyo u diyaar garowga doorashooyinka guud ee dalka.
Ammaanka guud ee Magaalada Garoowe ayaa Maanta aad loo adkeeyay,waxaana meel la dhigay Ciidamo gaar ah oo loogu tala galay sugida amniga Magaalada Garoowe inta uu socdo shirka.