Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa War qoraal ah oo uu Caawa soo saaray waxa uu kaga hadlay xaalada amni ee Xarunta Golaha Shacabka,isaga oo masuuliyadda Ciidamada la geeyay ku eedeeyey in ay xukuumadda masuul ka tahay Madaxweyne Farmaajana la ogyahay.
Xili berito lagu balansan yahay in kulanka Golaha Shacabka uu ka furmo kulanka Baarlamaanka Soomaaliya ayuu gudoomiye Cawad waxa uu soo saaray qoraal ka kooban 7 qodob oo uu inta badan kaga hadlay Amniga Xarunta Golaha Shacabka.
Waxa uu sheegay in Ciidamadaas ay sitoos ah uga amar qaataan Xukuumadda Soomaaliya,isla markaana sisharacdarro ah ay kula wareegeen  Xarunta Golaha Shacabka,iyaga oo kala wareegay ciidamadii xaqa u lahaa sugida Amniga Xildhibaanada iyo xasaanadooda.
Sidoo kale waxaa uu sheegay Gudoomiye Cawad in Maanta Xafiiska golaha Shacabka uu yimid taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya isaga oo wata Warqad lagu farayay taliyaayasha ciidamada Booliska, Nabadsugida iyo taliyaha Ciidamada ilaalada Xarunta Golaha in ay ka amar qaataan gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha Cabduweli Ibraahim Muudeey,arintaasina uu ka warqabo Madaxweyne Farmaajo.
Waxa uu ku eedeeyay Madaxweyne Faramajo in uu gabay masuuliyadii ka saarneyd ilaalinta mabaadiida Aas-aasiga ee Dastuurika iyo Shuruucda dalka.
Hoos Ka Akhriso War Qoraal oo uu Caawa soo saaray  Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad.