Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa waxaa ka dahcaday  doorashada Shan kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka , oo deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.
Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa ku guuleystay kursiga HOP#072 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo helay 75 cod, halka Cabdisamed Maxamed Cabdullaahi oo la tartamayey uu helay 18 cod, waxaana xumaaday 2 cod sida ay shaaciyeen Guddiga.
Mowliid Cabdi Maxamuud ayaa hab gacan taag ah ugu guuleystay kursiga HOP#13O ee Golaha Shacabka, kadib markii ay tanaasushay Musharax Haboon Axmed Tifow oo la tartameysay.
Maxamuud Muxumed Cumar ayaa ku guuleystay kursiga HOP#079 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib markii uu helay 74 cod.
HOP136 uu ku guuleeystay Xildhibaan Cumar Yuusuf Qaladiid, halka kursiga #HOP112 uu ku guuleeystay Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Waceys.