Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish ayaa xalay magacaabay guddi girmad oo ka shaqeeya fataahaadda Wabiga Baladweyne.
Guddigaan oo ka kooban 11-xubnood waxaa loo xilsaaray u gurmashada dadka ku nool magaalada Baladweyne oo uu saameeyay fatahaadda Wabiga,waxaana la faray in ay dib ugu laabtaan maamulada degmooyinka si karaankooda ay uga qeybqaataaan.
11-xubnood ee uu ka koobanyahay guddiga wxaa guddoomie u ah duqa magaalada Muqdisho Cumar Finish,Ibraahim Cumar Mahad alle Ibraahim dheere guddoomiye ku xigeenka dhinaca maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir,Basma Caamir Jakeeti guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada gobolka,Cumar C/risaaq Xxuseen Xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir,Mukhtaar Maxamed Axmex Dhega Cadde Agaasimaha xiriirka degmooyinka,C/kaafi Maxamuud Makaraan guddomiyaba Dhalinyarada gobolka Banaadir,Jawaahir Baarqab guddoomiyaha ururka Haweenka,Mustaf Cali Kheyre guddoomiyaha degmada Howl-Wadaag,Maxamed Yuusuf Maxamed Gudoomiyaha degmada Kaxda,C/qaadir Maxamed C/qaadir guddoomiyaha degmada Xamar-Weyne,Muuse Geesey Jimcaale guddoomiyaha degmada Yaaqshiid xubnahaan dhamaantood waxa uu Farah in ay ka qeyb qaataan gurmadka.
Dhinaca kalana guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay shacabka ku nool degmooyinka gobolka Banaadir ay ka qeybgalaan gurmadka loo samaynayo walaalhooda dhibaataysan.