• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Wednesday, July 16, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Akhriso:-Magacyada 16 Xildhibaan oo Maanta lagu doortay Magaalada Boosaaso

Dalsan Editor by Dalsan Editor
March 5, 2022
in Warar, Wararka Idaacadda
Reading Time: 4 mins read
A A
8
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa Maanta oo sabti ah waxaa ka dhacday doorashada lix iyo kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Maamulka Puntland.

Doorashada oo ka dhacday teendho ku dhex taalla Garoonka diyaaradaha Boosaaso ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wafdi ka socday Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo kuwa Guddiga doorashada dowlad Goboleedka Puntland.

1-Kursiga ee #GSH157 ayaa waxaa ku guuleystay Maxamuud Axmed Aadan Geesood, kurisga 2-aad #GSH227 ayaa waxaa kusoo baxay Cabdicasiis Maxamed Maxamuud Qambi.

3- Kursiga #GSh273 ayaa waxaa ku guuleystay Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska dowladda Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed Maxamuud Bashiir Ameeriko, kadib markii ay u tanaasushay Sahro Maxamed Maxamud Cali oo la tartami laheyd.

4-Kursiga #GSh234  ayaa waxaa Cod gacan taag ah ugu guuleystay Marwo Cabdi Bashiir Xaaji Cali, kadib markii ay u tanaasushay Aamina Cabdiwali Maxamed oo tartanka doorashada la geli laheyd Marwo Cabdi Bashiir Xaaji.

5-Kursiga #GSh076 ayaawaxaa Cod gacan taag ah ku guulaystay Muuse Axmed Ismaciil oo helay dhamaan 101 Codadka Ergada , kadib markii ay u tanaasushay Faaduma Ibraahim Ismaaciil.

6-Kursiga #GSH169 ayaa waxaa ku tartamay Musharaxiinta kala ah Cali Mahdi Maxamed Cali iyo Xafsa Cali Axmed, waxaana doorashada kursigan ku guulaystay Cali Mahdi Maxamed oo helay 97 Cod oo ahayd Ergada fadhiday.

7-Kursiga #GSH083 ayaa waxaa ku tartamay Maxamed Bashiir Cali iyo Aamino Maxamed Ciise , waxaana ku guulaystay Maxamed Bashiir Cali, kadib markii tartanka ay isaga hartay Aamino Maxamed Ciise.

8-Kursiga #GSH220 ayaa waxaa ku tartamay Musharaxiinta kala ah Cali Xaaji daahir Saleebaan iyo Axmed Burhaan Cumar, 101 Ergo ayaa dhamaan Codka kalsoonida siiyay Cali Xaaji daahir, ka dib markii uu ka haray Tartanka murrashax Axmed Burhaan.

9-Kursiga #GSH149 ayaa waxaa ku tartamay Faysal Axmed Maxamud iyo Faa’isa C/xakiin Maxamed, waxaana kusoo baxay Faysal Axmed Maxamuud oo Cod gacan taag loogu coddeeyay

Faysal Axmed Maxamuud ayaa helay Codadka dhamaan 101 Ergo ka dib markii ay Tartanka isaga hartay Faaisa Cabdixakiin.

10-Kursiga #GSH158 ayaa waxaa ku tartamay Saddaam Maxamuud Cabdi iyo Muno Maxamuud Dalmar, Ergada fadhiday oo ahayd 100 Ergo ayaa Codka kalsoonida siiyay musharax Saddaam Maxamuud Cabdi, ka dib markii ay ka hartay Tartanka Muno Maxamuud Dalmar.

11-Kursiga #GSH027 ayaa waxaa ku tartamay Siciid Cali Muuse iyo Cabdiqaadir Jaamac Cabdi, Ergada ayaa dhamayd 98 qof waxaana dhamaantood ay u Codeeyeen Musharax Siciid Cali Muse ka dib markii uu Tartanka isaga haray Cabdiqaadir Jaamac Cabdi oo la tartamay.

12-Doorashada Kursiga #GSH036 ayaa waxaa ku tartamay Musharaxiinta kala ah Maxamed Aadan diini iyo Faaiso Jaamac Muuse Ismaaciil, kursigaan waxaa ku guulaystay Maxamed Aadan Diini oo helay Codadka 99 Ergadii fadhiday.

13-Kursiga #GSH222 waxaa ku tartamay Caynaanshe Yusuf Xuseen iyo Roodo Yaasiin Yusuf, 100 Ergo oo ahayd Ergada fadhiday doorashada Kursigaan ayaa 99 qof ay u Codeeyeen Caynaanshe Yusuf Xuseen ka dib markii ay Tartanka ay isaga hartay Roodo Yaasiin Yusuf.

14-Doorashada Kursiga #GSH228 waxaa ku tartamay Cabdilaahi Faarax Mire iyo Xamdi Cabdilaahi Maxamed, 95 Ergay oo ahayd Ergada fadhiday ayaa 94 Ergay ay u Codeeyeen Musharax Cabdilaahi Faarax Mire ,halka 1 Ergay uu ka Aamusay  ka dib markii ay Tartanka ka hartay musharax Xamdi Cabdilaahi Maxamed

15-Kursiga #GSH142 doorashadiisa waxaa ku tartamay Ismaaciil Shire Jaamac iyo Siciid Maxamuud Maxamed, Ergada doorashada Kursigaan oo ahayd 84 Ergo ayaa dhamaantood ay Codka siiyeen Musharax Ismaaciil Shire Jaamac ka dib markii uu Tartanka ka haray Musharax Siciid Maxamuud Maxamed.

16-Kursiga #GSH190 ayaa waxaa ku tartamay Musharaxiinta kala ah Maxamed Cabdiqaadir Maxamed iyo Fatxi Cali Saalax, 95 Ergo oo fadhiday Hoolka ayaa dhamaantood Codka kalsoonida ay siiyeen oo u codeyeen Musharax Maxamed Cabdiqaadir ka dib markii Tartanka ay ka hartay Fatxi Cali Saalax.

Previous Post

Dhageyso:-Warka Duhurnimo Ee Radio Dalsan 05-03-2022

Next Post

Kumanaan reer Ukraine ah oo kasoo laabtay dalalka Dibadda si ay dalkooda u difaacaan

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish
Warar

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

July 16, 2025
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar
Warar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

July 16, 2025
Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya
Warar

Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

July 16, 2025
Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir
Warar

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir

July 15, 2025
Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay
Warar

Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay

July 15, 2025
“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”
Warar

Booliiska Soomaaliya oo Soo Bandhigay Hub ay Ka Fashiliyeen Weerar Ay Maleeshiyaad Ku Qaadeen Guri Xukun Maxkamadeed Leh

July 15, 2025
Next Post

Kumanaan reer Ukraine ah oo kasoo laabtay dalalka Dibadda si ay dalkooda u difaacaan

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

by Ilhaan
July 16, 2025
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Ammaanka Qaranka Itoobiya (NISS) ayaa ku dhawaaqday inay xireen 82 qof oo lagu eedeeyay inay ka tirsan...

Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland

Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland

by Liban
July 16, 2025
0

Addis Ababa – Ethiopia’s national intelligence agency has announced the arrest of 82 individuals suspected of being members of the Islamic State...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

by Ilhaan
July 16, 2025
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay rabshadihii dhawaan ka dhacay degmada Dhahar ee gobolka Sanaag, iyadoo...

Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

by Liban
July 16, 2025
0

Mogadishu – The Federal Government of Somalia has officially called on Puntland authorities to immediately halt hostilities in the Dhahar district of the...

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish
Warar

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland
English News

Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar
Warar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm
English News

Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya
Warar

Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia and Algeria Deepen Educational Ties in High-Level Diplomatic Meeting
English News

Somalia and Algeria Deepen Educational Ties in High-Level Diplomatic Meeting

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish
  • Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland
  • Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar
  • Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00