Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Magacaabay Guddi farsamo oo soo qiimeya dadka dhistay inta u dhexeeysa Garoonka diyaaradaha Baydhabo iyo Isbitaalka weyn ee Magaaladaas.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Lafta-gareen ayaa lagu Magacaabay Guddiga oo ka kooban 13-xubnood, kuwaasi oo qiimey sax ah ku soo sameeyn doona dadka sida Sharci darada ah u dhistay inta u dhexeeysa Garoonka iyo Isbitaalka weyn ee Baydhabo.
Sidoo kale Guddigaa oo isugu jira Wasiiro, Guddoomiyeyaal Degmo iyo Taliyeyaal Ciidan ayaa waxaa la faray inay howshooda u gutaan si hufan oo waafaqsan sharciga iyo Cadaalada.
Hoos ka Akhriso Magacyada Guddiga uu Magacaabay Madaxweyne Lafta-gareen.