Waxaa faah faahino dheerad ah laga helayaa Gaari homey ah oo ay saarnaayeen Dad Shacab ah kaa soo Maanta Miino kula qaraxday duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Gaarigaan ayaa xili uu marayay deegaanka Daniga Baaloow ay miinada la kacday,waxana la sheegay in uu ka yimid Tuulo lagu Magacaabo walamooy isla markaana ay saaranayen Haween ka Ganacsanaya Bukureey ama Bareey oo ka mid ah waxyaabaha la cuno ee ka baxa dhulka dhoobeyga ah.
Wariyaal ku sugan degmada Balcad ayaa waxa ay soo sheegayaan Gaarigaan uu ku soo jeeday degmada Balcad  dhamaana dadkii saarnaa ay geeriyoodeen, oo uu jirkooda Go’go’ay marka laga reebo Lix qof oo Meydkooda la arkay.
Dadka ku nool degmada Balcad ayaa iskudayay in ay u Gurmadaan waxaana la sheegayaa in deegaankaas ay maamulaan Al-Shabaab oo maalma ka hor l wareegay, in kastoo dhowr mar ay ku dagaalameen Al-Shabaab iyo ciidanka dowladda.
Qaraxaan ayaa ku soo aadaya xili maalin ka hor xilka qaadis lagu sameeyay Gudoomiyihii degmada Balcad Cismaan Xaadoole, isla markaana shalay xilkaas uu ku wareejiyay Gudoomiyaha Cusub Qaasim Cali Nuur (Furdug).
Dalsan ayaa xiriir la sameysay Gudoomiyaha Cusub ee degmada iyo ku xigeenka dhanka amniga balse kama jawaabin taleefoonadeena si aan uga helno xogo dheeraad ah.