Qaraxaan oo ahaa mid gaari ayaa dhacay xilligii lagu jiray Salaadii Maqrib,waxaana jugtiisa inta badan laga maqlay degmooyin ka tirsan  Gobolka Banaadir.
Goobjoogayaal tegay goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxa ay sheegeen in Gaari yaalla qeybta Baakinka ee Maqaayada The Village oo ku taalla inta u dhaxeysa Digfeer iyo Banaadir uu qarxay,isla markaana uu hal qof ku dhaawacmay.
Marka laga soo tago dhaawaca halka qof ayaa waxaa jira burbur hantiyadeed uu geystay qaraxaas,waxana uu saameeyay gawaari kale oo Baakinka Maqaayada ku jirtay.
Xilliga qaraxa uu goobta ka dhacayay ayaa waxaa la sheegay in badi dadka ay ku jireen Salaadii Maqrib taas oo yareysay khasaaraha ka dhalan lahaa qaraxaas.
Jawiga Maqaayada iyo Goobaha kale ee Ganacsi ayaa caadi kusoo laabtay,kadib markii mudo Saacad ku dhow uu hakad ku jiray markii uu qaraxa dhacay.