War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa looga hadlay Go’aankii kasoo baxay dowladda Soomaaliya ee lagu amaray in diyaaradaha ka yimaada kuna socda Kismaayo inay soo maraan Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Warka ka soo baxay Madaxtooyadda Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Federaalka ay burburin ku heyso Jubbaland iyo xayiraadaha ay kusoo rogtay Shacabka ree Jubbaland.
Magaalada Kismaayo ayaa Maanta ka dhacay Banaanbaxyo waa weyn oo looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya,kaasi oo looga cabanayay Go’aankii ka soo baxay Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada dowladda Soomaaliya.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka ka soo baxay maamulka Jubbaland.