Guddiga Farsamada maamul dhisida dowlad Goboleedka Galmudug ayaa soo saaray Jadwalka Guud ee hanaanka Doorashada Galmudug.
Guddiga Doorashada ayaa sheegay in soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ay bilaabaneyso 29-ka Bishan November ay ku egtahay 9-ka bisha soo socota ee December.
Sidoo kale Warka kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug ay dhici doonto 13-ka ilaa 16-ka Bisha December.
Ugu dambeyntii Guddiga Farsamada ayaa shaaciyay in Doorashada Madaxweynaha Galmudug ay dhaceyso 17-da ilaa iyo 23-ka bisha soo socota ee Bisha December 2019.
Hoos ka Akhriso Jadwalka Doorashada Galmudug.