Wasaaradda qorsheynta Maalgashiga iyo Iskaashiga caalamiga ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa soo saarta Amar ku socda Hey’adaha Samafalka ee ka howlgala Deegaanada Hirshabelle.
Qoraal kasoo baxay  Xafiiska Wasiirka qorsheynta Hirshabeelle ayaa waxaa dhamaan Hey’adaha Samafalka lagu wargeliyay inay iska soo diiwaan geliyaan Wasaaradda  Qorsheynta ugu dambeyn 31-da bishani janaayo ee 2020.
Hirshabeelle ayaa sheegtay in sanadkii tegay ee 2019 deegaanadeeday saameeyeen dhibaatooyin dabiici ah sida fatahaadii uu sameeyay Wabiga Shabeelle, iyagoona tilmaamay in sanadkan 2020 la dar-dar gelin doono shaqooyin badan.
Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda qorsheynta Hirshabeelle.