Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa Maanta oo Axad ah waxaa kulan ku yeelan doona Xildhibaanada Cusub ee Galmudug, kuwaasi oo maalin kahor doortay Guddoomiye iyo labadiisa ku-xigeen.
Ajendaha kulanka Xildhibaanada Galmudug ayaa waxaa uu yahay Magacaabista Guddiga Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Galmudug, waxaana Guddigan uu ka shaqeyn doonaa Arrimaha Doorashada.
Kulanka Maanta ee Xildhibaanada ayaa waxaa si wada jir ah u shir Guddoomin doona Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Dr. Maxamed Nuur Gacal iyo labadiisa ku- Cabdullaahi Xirsi Maxame iyo Faadumo Cabdi Cali.
Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa maalmaha soo socda waxaa lagu wadaa inay ka dhacdo Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Galmudug, waxaana halkaas ka socda olohihii ugu dambeeyay ee Doorashada.
Sidoo kale Magaalada waxaa ku sugan Musharaxiin badan oo u tartameysa xilka Madaxweynaha, kuwaasi oo halkaas ka wada ololo siyaasadeed oo xoogan, isla markaana ay ugu jiraan xilka Hoggaanka Galmudug.
Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana sugida amniga iska kaashanaya Ciidanka dowladda Federaalka ee halkaas ku sugan iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM.