Maxkamadda Darajada koowaad ee Garoowe ee Puntland ayaa Maanta oo Sabti ayaa waxaa ay bilowday dhageysiga Kiisa Maamo Hodan Axmed Shalayste oo aheyd Haweeney, taasi oo kufsi iyo Dil loogu gaystay Magaalada Garoowe.
Maxkamadda Darajada koowaad ee Garoowe ayaa waxaa la hor-geeyay 7 ruux oo rag ah, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen falkii foosh xumaa ee Magaalada Garoowe loogu geystay Maamo Hodan Axmed Shalayste.
Xeer ilaaliye ku-xigeenka Puntland Maxamed Gabbal Xareed ayaa sheegey in muddo tobaad ah dib loo dhigey kiiska Hodon Ahmed Shalayste oo 11-kii bishii Apriil ee sanadkii tegay ee 2019 fal isugu jiray kufsi iyo dil loo geystay.
Dhinaca kale Maxkamadda Darajada koowaad ee Garoowe ayaa xukun ku riday Nin lagu helay inuu fal kufsi ah u geystay gabar yar, waxaana lagu xukumay 5-sano oo xabsi ah iyo ganaax lacag oo dhan ah $1,000 iyo meheru misli.